2406 Views

Madaxweynaha Dalka Oo Ku Wajahan Magala Xeebeetka Hobyo

Madaxweynaha Dalka Oo Ku Wajahan Magala Xeebeetka Hobyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Hobyo waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada  Hobyo in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment