2475 Views

Muqdisho Oo Maanta Lagu Qabatay Munasabad Lagu Xusayo Malinta Afka Hooyo

Muqdisho Oo Maanta Lagu Qabatay Munasabad Lagu Xusayo Malinta Afka Hooyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Hirgelinta Akhriska iyo Qoraalka Afka hooyo.

Munaasabadan ayaa waxaaka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Dahair, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Xildhibaano, Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Marwo Ebyan, Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuur (Maax), ku xigeenkiisa iyo marti sharaf kale.

Dhammaan masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabadda ayaa waxa ay qireen in muhiim ay tahay ka qeyb qaadashada sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Afka hooyo, oo aas aasi u ah shacabka Soomaaliyeed wadaniyadooda.

Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuux (Maax) oo Munaasabadda furay ayaa sheegay maalintan in muhiimad gaar ah ay uleedahay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay Dowladda in looga baahan yahay in arrintan oo kale ay ku buraarugsanaato oo inta aan la soo gaarin guddi u saarto, si maalintan loo weyneeyo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Munaasabadda geba gebadeeda hadlay ayaa sheegay in duruufo adag ay dalka ka jiraan, isaga oo sheegay inkasta oo ay jiraan duruufaha in muhiim ay tahay in arrintan laga wada shaqeeyo, balse aysan aheyn wax Dowladda keliya looga baahan yahay.

Sanadka markuu ahaa August 1974-kii ayay aheyd markii Ololaha horumarinta reer Miiga la yiri halaga hirgeliyo Balad iyo Baadiyo, maadaama muhiim ay tahay dadka in la baro qoraalka farta.

Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa sanad walba 21-ka January xusta

 

Copy of 1 Copy of 2 Copy of 3 Copy of 5 Copy of 4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment