2271 Views

Ra’iisal Wasaare Khayrre Oo Wado Qorshe isku shaandhaynayo Golahiisa Wasiirada.

Ra’iisal Wasaare Khayrre Oo Wado Qorshe isku shaandhaynayo Golahiisa Wasiirada.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Warar ay heshay Shabakada Qaranimo Xafiiskeeda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayrre uu wado qorshe uu isku shaadhayn ugu sameynayo Golahiisa Wasiirada , sidoo kalane la magacaabo Wasiirada  boosas ka banaan Xukumadiisa

Kulamo joogta ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in isku shaadhayn lagu sameeyo Wasiiradiisa, waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah aysan ku soo laaban Saaxada Siyaasadda ee Xukumadda khayrre.

Xogta ay heshay Shabakada Qaranimo Online ayaa sheegaysa in la magacaabi doono Jagada Wasiirada Banaan oo kala ah Warfaafinta, Gar-gaarka iyo  Musiibooyinka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, oo qaarkood muddo Bilooyin ah ka banaan Xukumadda Khayrre.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Xilka laga qaadi doono Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya ee uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar isloow, sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in la magacaabi doono Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo Bishii October Xilka laga qaaday markii ay qaraxyo ruxeyn Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Khyrre ayaa isku dayaya in uu xakameeyo Wasiirada xariirka la leh siyaasiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukumaddiisa, waxaana Wasiirada qaar la sheegay in ay Xilkooda ku weyn doonaan sidii ay uga fal celiyeen weerarkii ay Dowladda ku qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Guddoomiye Taabid iyo Khilaafka Ra’iisal Wasaare Khayrre ayaa sidoo kale ka soo bilaawday Xeragii C/raxmaan C/shakuur oo ay raali gilin ka bixiyeen isaga iyo Wasiirka amniga.

Xubnaha la magacabayo ayaa la sheegay in uu ka soo dhaxmuuqan doono mid ka mid ah Murashaxiintii la soo tartantay Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in xilkaasi magacaabistiisa ay ku xiran tahay magacaabista taliyaasha amaanka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa wajaheysa Guux siyaasadeed oo adag, balse kuma cusbo jahwareerka siyaasadeed Muqdisho, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muqdisho waxay marti gilisay Jahwareer siyaasadeed oo qaarkood Cabsi amni ka dhalatay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment