2892 Views

Tanzania Oo sheegtay in Al-shabaab ay Dalkeeda Saldhigyo ka sameysanayaan

Tanzania Oo sheegtay in Al-shabaab ay Dalkeeda Saldhigyo ka sameysanayaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 –Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay xaqiijisay in Xarakada Al-shabaab ay saldhgyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ka sameysanayaan dhulka Keymaha ah ee dalkaas.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in tan iyo 2016kii Al-shabaab ay dhallinyaro ka qoranayeen daafaha Magaalada xarunta ah ee Daar Salaam iyaga oo siinayay tababarrada Ciidanka sidoo kalena barayay xagjirnimada.

Taliyihii hore ee Booliska Magaalada Daar Salaam Simon Sirro,ayaa sheegay in dhowr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka kheyraadka hodanka ku ah ee Dalka Tanzania halkaas oo hadda Al-shabaab ay ka billaabeen deegaameynta.

Waxaa uu xusay in Booliska Daar Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-shabaab,kaas oo sida uu sheegay Booliska ku ay sheegeen in ay ka qaadeen Qori uu watay.

Sidoo Ciidanka Tanzania ayaa weeraray Saldhigyo ay ku tuhmayeen Al-shabaab oo ku yaalla Gobolka Xeebta ah ee Dalka Tanzania,kaas oo lagu magacaabo ikindu .

Ciidamada ayaa helay xog ay siiyeen dadka degaanka ah oo ah in Rag hubeysan ay joogaan keynta Kilongoni ee Gobolka Xeebta ah ee Vikindu.

Ciidanka ayaa halkaas ka xir xiray dhowr qof oo lagu tuhmayay in ay yihiin kuwa tababarrada bixiya,waxaana halkaas ka socday xagjireyn iyo tababar Ciidan.

Saraakiisha u hadashay Ciidanka Tanzania waxaa ay sheegeen in Qof lagu magacaabo Saleebaan ay u qabteen arrintan kaddib markii la ogaaday in uu Gurigiisa ku marti qaaday Ragga la tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment