2055 Views

Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo maanta xiran iyo Idaacadii Afka M/gabalka Banaadir oo Hawada ka Maqan.

Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo maanta xiran iyo Idaacadii Afka M/gabalka Banaadir oo Hawada ka Maqan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Waxaa maanta xiran Gabi ahaanba Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho, kadib markii ay saakay la wareegeyn Ciidamo ka tirsan Kuwa amaanka Soomaaliya.

Dhismaha Dowladda Hoose ayaa waxaa la wareegay Ciidamo isugu jira Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya, sidoo kale Ciidankaasi waxaa qayb ka ah Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Guddoomiyahii Gobalka banaadir ee Xilka laga qaaday iyo ku xigeenadiisa ayaa saakay isku dayin in ay tagaan Xarunta Shaqada kadib markii xalay loo galay, sidoo kale dhamaan Shaqaalihii Dowladda Hoose ayaa xaadirin Shaqadooda.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in sababo amni darteed aysan maanta usoo shaqada laguna war giliyay in Ciidamo ay la wareegeen Xaruntii Dowladda Hoose.

Sidoo kale waxaa maanta hawada Ka maqan Idaacad ka hadli jirtay afka maamulka Gobalka Banaadir, waxayna shaqaalaha Idaacadaasi ka mid noqdayn dadka aan saakay soo xaadirin shaqada maadaama Xaruntii ay joogaan Ciidamo la geeyay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada muqdisho ayaa maalintii labaad u xiran Ciidamada amaanka Soomaaliya, Ciidamada ayaa ka hor tagaya in ay dhacaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Jahwareerka siyaasadeed ee magaalada ka taagan.

Banaanbaxyada ayaa la sheegay in ay abaabalayaan mas’uuliyiin ka mid ah xubnihii xilka laga qaaday ee  maamulka Gobalka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment