2844 Views

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Eng. Yariisow iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday oo kulmay

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Eng. Yariisow iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2018 – Kadib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabid Abdi Maxamed ayaa xildhibaano, saraakiil iyo odayaal dhaqameedyo kusugan magaalada Muqdisho waxa ay ka shaqeeyeen in xil wareejintu u dhacdo si nabad, isu tanaasul, xasilooni iyo wadashaqeyn kudheehantay xilka loo kala wareejiyo.

Waxaa caawa la soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd Gobolka Banaadir ee ka dhalatay khilaafkii arrimaha maqaamka Caasimadda, taasoo uu xilka ku waayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Xubno isugu jiray Wasiiro, Taliyeyaal, iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabid Cabdi, waxaana dhex maray kulan uu albaabada u xirnaa.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isku afgartay in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa dib ugu laabanayo Xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka.

Ugu dambeyn waxaa xubnaha kulanka qeyb ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

xilwareejin-yariisow-vs-thabid-2 xilwareejin-yariisow-vs-thabid-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment