2064 Views

Kenya oo baarayso Xarumo caafimaad oo looga shakiyay inay Daaweeyeen Shabaab ku dhaawacma Dagaalada.

Kenya oo baarayso Xarumo caafimaad oo looga shakiyay inay Daaweeyeen Shabaab ku dhaawacma Dagaalada.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22,  2018 – Ciidamad wadanka kenya gaar ahaan kuwa ka howl galo gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa sheegay in ey jiraan xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolkaasi kuwaa oo daweeya xubnaha xarkada Alshabaab oo ku dhawaacma weerarada Garabka Alshabaab ee kenya ey ku qaadaan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Deegaanada Lamu, Garissa, iyo Tana Riva  iyo dhulka ka hareeraysan ayaa waxa lagu sheegay deegnada ugu badan oo ey ka jiraan xarumo caafimaad oo daweeya dhaawacyada Alshabaab.

Wariye ku sugan deegaan xebeedka Lamu ayaa soo xigana taliyaha ciidamo bilaabay howgal laga sameeynayo degmooyinka Lamu, Witu, Garsen, Ijara, Sanhailu, Masalani, Galgmaghal.

Joseph Kanyiri oo ah taliyaha hogaaminaya Howlgalkan ayaa sheegay in ey wali socdaan baaritaanno lagu baadigoobayo waxa uu ugu yaray  kooxo taageera Alshabaab.

Taliye Kaniyiri ayaa intaa ku daray in 26-kii November ee sanadkii hore ee 2017-kii ey ciidamadu heleen 4-far kaartoon oo kiiba ey ku jirtay 20kg oo ah dawada gargaarka deg daga loo isticmaalo kuwaa oo laga helay xeebta ku Aadan deegaanka Sheel.

Waxa isweediyay taliyahano sida ey suuragal utahay In Alshabaab ey ka dagaalamaan dhul intaa la eg hadana aanan la arag dhaawacyadooda iyo waliba halka ey ku wadeestaan intabada.

Garabka Xarakada Alshabaab ee kenya ee lagu Magcaabo Al-eymnan ayaa inta badan waxa ey dalkaasi ka geestaan weerarro qorsheeysay oo ubadan ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Ciidamada Kenya ayaana umuuqda in muddo kabadan 6sano ey maaro ula’ayihiin Alshabaabka ka dagaalama dhulkooda ee awoodoodu soo kobceeyso

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment