2643 Views

Al-shabab oo sheegay in AMISOM ay gaadiid uga gubeen shabeellaha hoose

Al-shabab oo sheegay in AMISOM ay gaadiid uga gubeen shabeellaha hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay gubtay labo ka mid ah Gaadiidka AMISOM oo marayay waddada u dhaxeysa Shalanbood iyo Ceelwareegow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada AMISOM oo ka bacxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,kuna siijeeday magaalada Marka ayey sheegeen in ay jidka u galeen halkaas oo uu dagaal klu dhexmaray.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in labo ka mid ah Gaadiidka AMISOM oouu midi Booyad yahay ay gubeen halka kan kalena uu yahay nooca Ciidamada qaada ee Towga loo yaqaan.

Majiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijinaya weerarka ka dhacay Wadada xiriirisa Shalambood iyo ceel Wareegoow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment