3309 Views

Daawo Sawirada:-Kheyre Oo Lagu Soo dhaweeyay Switzerland

Daawo Sawirada:-Kheyre Oo Lagu Soo dhaweeyay Switzerland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Switzerland , halkaasi oo uu ka qeyb galaayo Shirka Dhaqaallaha Adduunka.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi iyo sidoo kale Soomaalida kunool dalkaasi.

“Aniga iyo wefti ballaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa “Koboca Dhaqaalaha Dalka waa ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddayda, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana waa Inaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan la sameynaa adduunyada”

2 1

3

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment