2487 Views

Dowlada Hindiya oo Sii deyneysa 75 Soomaali ah

Dowlada Hindiya oo Sii deyneysa 75  Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in Bisha soo socota ee February ay siideyneyso 75; Qof oo ku haray Xabsiyada Hindiya,kuwaas oo ahaa Dhallinyaro dhameysatay Xabsiyada xukunka Burcad Badeednimada ah ee lagu eedeeyay.

Saraakiisha Cabsiga Koofur Mombai ayaa sheegay in aysan xamili karin tiro badan oo Maxaabiis xabsigooda dhameystay ah,waxaana ay sheegeen in xabsiyadooda oo ahaa 6 sano iyo bar ay intoooda badan dhameysteen.

Vishwajeet Singh; oo ah qareenka matalaya Maxaabiista ayaa sheegay in dhallinyaradan ay xabsigooda dhameysteen, 15 ka mid ahna la siideynayo 15ka February halka 60 ka kale la sii deynayo 23ka February.

Dhallinyaradan oo ahaa 120 Qof ayaa lagu ka mid ah ku dhinteen Xabsiga waxaana 118 ka kale horu loogu soo celiyay dalka halka kuwo kalena inta ka dhiman Xabsigooda oo bil ka yar ay dalka dib ugu soo laaban doonaan

Qareenka Maxaabiistan ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ay diyaariso fiisaha ay dalkooda kula laabanayaan,islamarkaana marka la gaaro 23ka February ay dhamaan ku laaban doonaan Soomaaliya.

Dowladda Hindiya ayaa horay u sheegtay in ay ku guuleysatay in Maxaabiistan ay ka soo deyso dalka Hindiya,hayeeshee Maxkamada iyo Warbaahinta Hindiya ayaa sheegaya in ay dhameysteen waqtiga xabsigooda oo ahaa 6 Sano iyo bar ilaa 7 Sano.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment