2514 Views

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay Carqaladaynta Amniga marin badeedka Badda Cas

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay Carqaladaynta Amniga marin badeedka Badda Cas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku guda jira Socdaalkiisii ugu horeeyay uu ku tago dalka dibaddiisa ayaa u sheegay  Midowga wakaaladaha wararka dowladaha ku midoobay ururka iskaashiga Islaamka UNA  in Dowladda Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayso soo celinta iyo dhismaha ciidan badeed oo xoog leh oo uu dalku yeesho si ay uga qayb qaataan ilaalinta xeebaha iyo damaanad qaadka amniga Gacanka Cadmeed iyo Marinka muhiimka ah ee Baabul-Mandab.

Wasiir Cawad ayaa Cambaareeyay  weerarka Sawaariikhda  Balaastikada ee Maleeshiyaadka Xuutiyiinta yeman ay ku hayaan Xaramaynka Barakaysan, wuxuuna si adag wasiirku hoosta uga xariiqay in Soomaaliya ay dhinac taagan tahay xaqa Sucuudigu u leeyahay inuu kaga difaaco falkaasi Cadawnimada leh dhulkiisa iyo shacbigiisa weerarka Xuutiyiinta.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la waydiiyay waxa ay dowladda Soomaaliya uga dhigan tahay wareejinta lagu wareejiyay Soomaaliya Xafiiskii ergada joogtada ah ee Soomaaliyeed ee xarunta ururka Iskaashiga Islaamka ee jiddah wuxuuna  xusay in arintani tahay arin wayn oo aad u qiimo badan,ayna calaamad u tahay in dowladda soomaaliya ay dalka ka gudbinayso Jahawareerkii iyo burburkii uu ku jiray sanado badan.

Md Axmed Ciise Cawad wuxuu intaasi raaciyay in soomaaliya ay si buuxda u barbar taagan tahay wadamada ku teedsan badda Cas oo Boqortooyada Sucuudiga hormoodka ka tahay sidii looga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka marin badeedkan muhiimka ah handadaad kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonidiisa.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment