2010 Views

Duqii Horre Ee Muqdisho Baaq U Diray Mas’uuliyiinta DF

Duqii Horre Ee Muqdisho Baaq U Diray Mas’uuliyiinta DF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 23, 2018 –Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in aan lagu deg degin xilka ka qaadista Madaxda xilka heysa.

Waxaa uu sheegay in Taabid uu xilka haayay muddo ka yar 9 Bilood, sidaasi darteed aan lagu eedeyn karin waxqabad xumo , maadaama aan la siin waqti ku filan.

Waxaa uu sidoo kale xusay in xilka qaadista deg dega ah ee Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir in ay keenikarto dib u dhac Siyaasadeed.

uusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu dambeyntii sheegay in maqaamka Muqdisho la doonaayo in ay ka tashaddaan Shacabka iyo Siyaasiyiinta gobolka Banaadir.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment