9618 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xarigga ka jaray xafiiska Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xarigga ka jaray xafiiska Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka
____________________________________________________________________________

Jeddah | QOL | January 24, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee Ergada Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga.

Furitaanka Xafiiska Ergeda oo si habsami leh ku dhacday, ayaa Wasiirku ku booriyay diblomaasiyiinta ka shaqeeya inay dardargeliyaan howlaha loo igmaday.

Wasiir Ahmed Cawad ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Jeddah, isaga oo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay iyo adeegyada ay u fidiso Soomaalida ku nool dalka Sucuudiga.

Wasiirku waxa uu dhiirigeliyay howlaha Qunsuliyadda Guud ee Jeddah ay qabato oo ka mid ah seddexda qunsuliyadood ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Dibadda, isagoo xusay in laga maarmaan ay tahay in shakhsi kasta lagula xisaabtamo waajibka ka saaran shaqada uu u xilsaaran yahay, si danaha qaranka loo fuliyo, si aanay ku jirin habsaamid iyo dib u dhac, dadka iyo dalkana loogu adeego daacadnimo iyo nafhurid.

wasiirka-AD-Jedda-4 wasiirka-AD-Jedda-5 wasiirka-AD-Jedda-2 wasiirka-AD-Jedda-3 wasiirka-AD-Jedda-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment