2211 Views

Micheal Keating oo QM uga warbixiyay arimaha Soomaaliya

Micheal Keating oo QM uga warbixiyay arimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 25, 2018 – Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay Fadhi Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York.

Keating ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, is bedelkii nabadeed ee lagu kala wareegay xukunka, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxaa si gaar ah diiradda ku saaray waxyaabihii ka qabsoomay Soomaaliya, guulihii ay gaartay dowladda, ammaanka, howl galka AMISOM iyo dagaalka Al-Shabaab.

Mr Keating ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay meel aad u kacsan gaartay, xiisadihii bishii December ee ka dhashay dhacdooyinkii is xigay ee ka dhacay Muqdisho sida howl galkii Ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, xariggii loo geystay iyo weerarkii guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Mr Keating ayaa sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ay abuureen mowjado

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dhacdooyinkaas ay muujiyeen dhibatooyinka aas aasiga ee ka jira dalka, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto sida shuruucda aan ku filneyn iyo ilaalinta nidaamka siyaasadda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment