2058 Views

Ciidamo Boolis ah Oo Ka hortga Rabshadaha Oo Soomaaliya Loo taba baray.

Ciidamo Boolis ah Oo Ka hortga Rabshadaha Oo Soomaaliya Loo taba baray.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 27, 2018 –Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga soo dajiyay ciidamo Booliis ah oo u soo gaba gaboobay taba bar in  muddo ah uga socday dalka Jabuuti.

Ciidamadaan oo tiradooda ay gaareyso 270 Askari ayaa waxay yihiin ciidamo si gaar ah loo baray ka hor taga rabshadaha iyo ladagaalanka Argagaxisaad waxaana dowlada Soomaaliya u qaabil sanaan doonaan ka hortaga dibad baxyada rabshadaha wata iyo ka hortaga weerarada argagaxisada ah.

Taliye ku xogeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,sidoo kalena ah ku simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Afrax oo Ciidamadan tababarka ugu soo xiray Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Ciidamadadan ay ka tababar fiicanyihiin Ciidamadii hore ee tababarrada Booliska lagu siinjiray dalka Jabuuti.

Ciidamadaan ayaa kaga duwadan ciidamadii hore ee Booliska xirfadaan gaarka ah ee loo soo taba baray oo ah inay ka hor tagaan dibad baxyada rabshadaha wata.

 

Xaiffka Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment