2241 Views

Wasiirkii Warfaafinta Eng Yariisow oo xilka wareejiyay

Wasiirkii Warfaafinta Eng Yariisow oo xilka wareejiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 27, 2018 – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Senator Muno Cumar Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, Fanaanadda Qaran Hibo Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada Wasaaradda sidii ay gacan ugu siiyeen gudashada xilka loo dhiibay, waxaana uu ka codsaday inay shaqada halkaas ka sii wadaan, uu xilka ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo si rasmi ah ula wareegay siiheynta Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore mudadii ay wada shaqeynayeen, waxaana uu Alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka cusub ee loo magacaabay ee ah Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ka kooban waaxyaha kala ah Radio muqdisho, Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA, Televeshinka Qaran,Wargeyska Dalka iyo Waaxaha maamulka iyo Shaqaalaha.

xil-warejin1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment