3069 Views

Dayax Madoobaadka oo Caawa Laga arki karo Muqdisho

Dayax Madoobaadka oo Caawa   Laga  arki karo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 31, 2018 Sanad waliba awoodda Alle waxaa dhaca qorrax Madoobaad iyo Dayax madoobaad,iyada oo marka Bisha madoobaato halka marna qorraxda Madoobaato.

Meelo badan oo ka mid ah Caalamka waxaa caawa laga arkayaa Dayaxa oo madoobaanaya waxaana ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Inta badan Reer Galbeedka ama dadka aan Muslimka ahayn waxaa ay gataan Ookiyaalo waaweyn oo Bisha ama qorraxda soo dhaweeya si ay u arkaan qaabka ay wax u socdaan,halka Dadka Muslimiinta ah tagaan Masaajidda iyaga oo dukanaya Salaadaha Khusuufka iyo Kusuufka.

gggggggggggggggggggggggggggggggggg

Haddaba Dayax Madoobaadka Caawa ee Muqdisho waxaa uu soconayaa 54 daqiiqo oo ka billaabata 6:14 Daqiiqo kuna eg 7:8 Daqiiqo ee fiidkii.

Dayax madoobaadyada kale ee la saadaalinayo in ay ka dhacaan Soomaaliya  waxaa ay dhacayaan 27-28ka July 2018 ,21ka January 2019,16-19ka July 2019 iyo 11ka November 2019,oo uu wareeg sameyn doono meeraha Mercury.

Linkigan ka eeg xogta.

https://www.timeanddate.com/eclipse/in/somalia/mogadishu

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment