2148 Views

Guddoomiye Yarisow oo Safiirka Turkiga kala hadlay taageerada iyo horumarinta gobolka Benaadir.

Guddoomiye Yarisow oo Safiirka Turkiga kala hadlay taageerada iyo horumarinta gobolka Benaadir.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31, Janaayo 2018 — Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta gobolka Benaadir .

Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruudu ku xirnayn. Waxuna tilmaamay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugu soo kaban lahayd oo ay xasilooni iyo horumar u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan dib-u-soo nooleynta adeegyadii guud”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu kala shaqeynayo maamulka cusub ee gobolka Benaadir dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

gud-gobolka-lakulmay-safirka-turkiga-2 gud-gobolka-lakulmay-safirka-turkiga-4 gud-gobolka-lakulmay-safirka-turkiga-3 gud-gobolka-lakulmay-safirka-turkiga-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment