2280 Views

Shariif Xasan Oo Sheegay in ay socoto qorshaha u guurista Baraawe.

Shariif Xasan Oo Sheegay in ay socoto qorshaha u guurista Baraawe.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 31, 2018Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ku sugan Magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu socdo qorshihii maamulkiisa uu ugu soo guuri lahaa Magaaladaasi.

Baraawe oo ah Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay ka socoto dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi, maadaama uu sheegay in muhiim uu u yahay isku socodka howlaha adeegga maamulka.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo uu kulan la qaatay waxa uu kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Magaalada, kahor inta aanan loo guurin.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada waxa uu ka dalbaday in ay isku howlaan sidii loo dhameyn lahaa dhimaha ku socda Garoonka diyaaradaha, faaiidada ugu badan ayuu sheegay in ay ku qabaan dadka Deegaanka, Maadaama ay ka duulayaan, loogana soo degayo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa tibaaxay in Marxlad adag ay soo martay Magaalada Baraawe, Saddex sano kahor ayuu sheegay in uu caga dhigtay garoonka diyaaradaha Baraawe, xiligaasine waxa uu tilmaamay in uu socday howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe waa Casimadda Maamulka Koofur Galbeed, kumana shaqeyn mudada Maamulkaasi uu jiro,waxaana hadda Madaxweyne Shariif rajeynayaa in muddo yar kaddib maamulkiisa u wareego Magaaladaasi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment