2406 Views

Magalada Kismaayo Oo Laga Cabsi Qabo in Dagaal Ka dhaco.

Magalada Kismaayo Oo Laga Cabsi Qabo in Dagaal Ka dhaco.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feb, 4, 2018 —Xiisad ka dhalatay Xeraga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa wali ka taagan gudaha magaalada Kismaayo waxaana lagu soo waramaya in ay sii xoogaysatay saacadihii dambe ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dad goob joogayaal ah oo ay ku jiraan Odayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa Shabakada Qaranimo u sheegay in lagu guul dareestay dadaalo lagu sii deyn lahaa Xildhibaan Axmed Xasan Cabdi “Axmed Taajir” kaas oo maalmo ku jira Xabsi ku yaala kismaayo kadib markii la sheegay in xasaanadii lagala noqday.

Odayaal iyo xildhibaano isku xil saaray xalinta arintaan ayaa la sheegay in ku guul dareestayn soo deynta Xildhibaanka xiran kadib markii Axmed Madoobe la sheegay in uu diiday sii deysmada Xildhibaanka ilaa ay ka soo dhamaato baaritaano la sheegay in ay Ciidamada kuwadaan Xildhibaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in xirteen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ka gadoodsan Xeragga Xildhibaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay xirteen nawaaxiga xarunta taliska Nabad Sugida ee maamulkaasi, waxaana arintaasi ka dhashay xiisad u dhaxeysa Labada Ciidan ee Jubbaland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment