2772 Views

Mukhtaar Roobow Oo Ciidamo Gaar ah Ka abuuraya Koofur Galbeed

Mukhtaar Roobow Oo Ciidamo Gaar ah Ka abuuraya Koofur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feb, 4, 2018 —-Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuuroo dhowr bilood ka hor isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in deegaanada Koofur Galbeed ka wado abaabulka iyo sameynta Ciidamo gaar ah oo ka madaxbanaan Ciidamada koofur Galbeed iyo Guud ahaan Ciidamada Soomaaliya.

Wararka ay heshay Shabakada Qaranimo Onlineayaa sheegaya in tirada Ciidamadaan ay gaarayaan ugu yaraan 3,000 oo Askari kuwaas oo ay ku jiraan Ciidamada la socday Abuu-mansuur ee hada degan deegaanka Abal ee gobalka Bakool iyo Ciidamo kale oo hada laga qorayo deegaanada koofur Galbeed.

Saraakiil Ciidan iyo Siyaasiin ka soo jeeda koofur Galbeed ayaa Qaranimo u sheegay in Ciidamadaan ay dhamaantood u dhashayn Baay iyo Bakool, sidoo kale intooda badan ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, Abuu-mansuur ayaa la sheegay in uu la hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab una sheegay qorshaha howlgalka una balan qaaday amaan iyo xuriyad kuwaas oo ku dhiiraday in ay shabaab ka soo goostaan halka kuwa kale la filayo in ay ku soo biiraan Ciidamada Abuu-mansuur.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay noqon doonaan Ciidamada Difaaca Baay iyo Bakool, waxaana ogolaaday Madaxda Dowladda iyadoo ay qorshahaan taageereyso Dowladda Maraykanka.

Dagaalamayaashii Al-shabaab ka soo goostay ayaa la sheegay in dhamaantood ay ku sugan yihiin Xiro u gaar ah Abuu-mansuur halka kuwa kalane ay imaan doonaan xerooyinka gaarka ah ee Abuu-mansuur, sidoo kale waxaa ciidankaan ay heli doonaan mushaar, saanad Ciidan iyo Daryeel Caafimaad, sidoo kale waxaa laga caabin doonaa taageerada dhinaca Cirka ah hadii ay u baahdaan.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in Ciidamadaan aysan ka bar bar dagaalami doonin Ciidamo Ajnabi ah sida kuwa AMISOM, Itoobiya, sidoo kale waxaysan garab ka heli doonin Ciidamada Soomaaliya.

Abuu-mansuur oo la aaminsan yahay in uu wax badan ka fahamsan yahay Istaraatiijiyadda Al-shabaab ayaa ka balan qaaday Madaxda Qaranka iyo Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ayaa Abuu-mansuur u ogolaaday in uu dhaq dhaqaaqi karo islamarkaana uu booqan karo dhamaan Dhulka Soomaaliya, halkii marka hore uusan heysan dhaq-dhaqaasi, Shiikh Mukhtaar ayaana safarkii ugu horeeyay ku tagay Kismaayo isagoo la sheegay in uu ka soo tala qaatay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo ay Saaxiibo ahaayeen markii ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab iyo Midowgii maxkamadaha ee Soomaaliya.

Tan iyo Markii Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya saldhigna ka dhigtay Koofur Galbeed ayaa waxaa isa soo tarayay Dagaalmayaasha Al-shabaab ka soo goosanaya kuwaas oo iska dhiibaya deegaanada Koofur Galbeed.

Dowladad Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ayaa Abuu-mansuur ka diiday in uu calan gaar ah u sameysto Ciidamadaasi, balse loo ogolaaday in aysan ka bar bar dagaalamin Ciidamo ajnabi ah balse ay jirto in taageero dhanka ah cirka ah, taas oo ku beegan markii markii ay codsadaan oo kaliya.

Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-sahbaab ayaa la sheegaya in uu dhawaan ka bilaaban doono Gobalada Baay iyo Bakool waxaana howlgalkooda ku egyahaya labadaas gobal oo kaliya, markii uu soo dhamaado howlgalkaan ee Baay iyo Bakool ayaa kadib laga shiri doonaa Wijiga 2aad ee Howlgalka Abuu-mansuur.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment