2325 Views

SAWIRO:- Guddoomiye yariisow iyo Wafdi ka socda Shiinaha Oo Ka Wada hadlay Bilicda Magalada Muqdisho.

SAWIRO:- Guddoomiye yariisow iyo Wafdi ka socda Shiinaha Oo Ka Wada hadlay Bilicda  Magalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feb, 4, 2018 —-Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “yariisow” Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen ka qeyb qaadashada bilicda Muqdisho.

Yariisow iyo Wafdiga Shiinaha Waxay kulankooda ku falanqeeyeen sidii Dowladda Shinaha ay kaga qeyb qaadan laheyd dadaalada dib loogu soo celinayo Adeegyada Bulshada sida Nalalka Samaa-faraha ee Gawaarida kala haga iyo Bulaacadaha biyaha qaada.

Duqa Muqdisho ayaa bartiisa gaar-ka ah ee Facebook Internet ku soo qoray “Kulanka aan maanta la qaatay wafdiga ka socday Dawladda Shiinaha oo ay kamid ahaayeen shiriikadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan isla soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro iyo xal u helidda bullaacadaha”.

Duqa Muqdisho ayaa ku guda jira kulamada uu la qaadanayo Wufuudda Caasimadda Soo gaareysa iyo Safiirada matala dalalka kala duwan ee ku shaqeeya Magaalada Muqdisho

1

2-768x650

3-768x431

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment