2139 Views

Wacyigalin Maanta loosameeyey Qaarkamida Ciidamada Booliiska Soomaaliya

Wacyigalin Maanta loosameeyey Qaarkamida Ciidamada Booliiska Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feb, 4, 2018 —Munaasabad lagu wacyi-gelinayay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ku aadan isticmaalka muqaadaraadka iyo sidii ay hab dhaqanka bulshada u wanaajin lahaayeen ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga Qaran ee taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,waxaana inta badan diirada lagu saaray munaasabadda sidii Ciidamada Qalabka sida looga wacyigelin lahaa Muqaadaraadka iyo iney si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee ay u shaqeynayaan.

Ugu horeyn ayaa munaasabadda waxaa ka hadlay General C/rashiid Aadan Xirse Taliyaha akadeemiyada dugsiga tababarka Ciidan Booliska ee General kaahiye  oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay u diyaarsanyihiin nidaamka hab dhaqanka bulshada iyo ciidanka booliska.

Sidoo kale,Abuukar Cawaale Qaadiid oo u ololeeya joojinta Qaadka ayaa sheegay in dhibaatooyin aan la soo koobi Karin uu leeyahay qaadka iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya,islamarkaana uu hoos u dhigo hanka qofka bini-adamka.

Sheekh nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Gudiga taakuleynta Ciidanka qalabka sida  iyo Jeneral Axmed Jaamac  Gudoomiyaha Gudiga taakuleynta iyo wacyigalinta oo munaasabada so xiray ayaa ayaa Ciidamada Qalabka sida ku ku dhiira geliyay iney ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah maankooda,islamarkaana si feejigan ula socdaan bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga dalka Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sanadkii tagay ee 2017dii magacaabay Guddiga taakuleynta iyo wacyi gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Qalabka sida ee har iyo habeen u taagan difaaca dalkeena Soomaaliyeed.

vlcsnap-2018-02-04-15h06m52s232-747x420

vlcsnap-2018-02-04-15h07m14s199-747x420

vlcsnap-2018-02-04-15h08m22s114-747x420

vlcsnap-2018-02-04-15h08m31s197-747x420

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment