5070 Views

Gudoomiye ku xigeenka amniga G/Banaadir oo u kuurgalay Amniga 4 Degmo Oo Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Gudoomiye ku xigeenka amniga G/Banaadir oo u kuurgalay Amniga 4 Degmo Oo Ka Tirsan Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 — Guddoomiye ku Xigeeka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolkq Banaadir Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Mohamed Tuulah ayaa kormeerkisa ka bilaaway Degmada Waaberi ee Gobolka Waxaana halkaasi uu kula qaatay Madax Maamulada Degmooyinka Shir looga hadlayay Xaalada Amni, Diriseynta, iyo Baahyadda Adeegyadda Aasiga ah ee ka jira degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Xamar Jajab iyo Waaberi oo isku ah Qeybta Waliyow Cadde ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha qeybta, Taliayaasha saldhigyadda, Lataliyaasha Amniga iyo Siyaasada iyo Agaasimeyaal ayaa ka qeyb galay kulanka iyo Kormeerka Shaqo, waxaana ay Guddoomiye Tuulax isdhaafsadeyn xogta degmooyinka iyo baahyadda ka jira.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa u balan qaaday Xubnaha shirka ka qeyb galay in Maamulka Gobolka Banaadir uu wax weyn ka qaban doono Caqabadaha ay soo gudbiyeen degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu booqasho ku tagay dhammaan Xarumaha Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Xamar Jajab, iyo Waabari, waxaana uu Xog-wareystay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Xafiisyadda Hanaanka Shaqada Degmooyinka Gaar ahaan Amniga iyo Dariseynta, waxaana uu ku booriyay in ay sii laba jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan.

Intii uu ku jiray Kormeerka waxaa uu Guddoomiye Tuulax uu la kulmay dhalinyaro kubadd ku ciyaareysa Garoobka Degmadda Hodan kuwaas oo uu la qaatay watigooda, lana ciyaaray Kubadda koleyga oo ay ku guda jireyn, waxaana dhilinyarada ay oga Mahadceliyeen sida uu u farxad geliyay Guddoomiyaha.

gud-xigeenka-amniga-1

13-768x512

2-21

12-1

4-15-768x512

3-18

7-7-768x512

10-1

11-114

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment