1980 Views

Gudoomiye xigeenkii horre ee barlamaanka Kenya “Madaxda maamul gobaleedyada waa jawaasiista Itoobiya iyo Imaaraadka”

Gudoomiye xigeenkii horre ee barlamaanka Kenya “Madaxda maamul gobaleedyada waa jawaasiista Itoobiya iyo Imaaraadka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 — Faarax Macallin Maxamed oo ah Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya sidoo kalane ka tirsan hogaamiyaasha Soomaalida ee saameynta balaaran ku leh Kenya ayaa aad u dhaliilay habdhaqanka madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Mr Faarax ayaa sheegay in dadnimo xumo badan ay ka muuqato madaxweynayaasha islamarkaana ay yihiin kuwo jawaasiis u ah sida uu hadalka u dhigay waddamada cadowga ku ah Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in Madaxda goboleedyada ay yihiin kuwo la shaqeeya dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya,waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iska celiyaan.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ay musuq maasuq miiranyihiin,isaga oo sheegay in mid ka mid ah uu lacag tobaneeyo Milyan oo doollarka Mareykanka ah dhigtay Akoonno uu ka furtay Kenya ilmahiisana ku saxiixday sida uu sheegay.

Faarax ayaa dhinaca kale sheegay in Wasiirradii hore ee dowladda Soomaaliya marka ay kulmayaan shirkooda sameecadda loo furi jiray oo laga dhegeysan jiray Adis ababa iyada oo taas ay ka shaqeynayaan wasiirro taageersan Itoobiya oo ka mid ahaa dowladda Somaliya.

Faarax macalin Maxamed ayaa aad uga hadla Arimaha Soomaaliya, waxa uuna ka mid yahay shaqsiyaadka dhaliila hab dhaqanka madaxda maamul gobaleedyada iyo faragelinta Dowladaha Shisheeya ee Soomaaliya

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment