1830 Views

Muhaajiriin ku dhintay Xeebaha Dalka Spain

Muhaajiriin ku dhintay Xeebaha Dalka Spain
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 — Ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin afrikaan ah ayaa ku dhintay Xeebaha Dalka Spain, kuwaas oo raadinayay nool dhaanta tan Afrika oo ay ka tagayn.

Warbaahinta Caalamka ayaa baahisay in la helay Meydadkooda 20 qof oo Afrikan ah waxaana laga helay badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

Kooxda Gurmadka deg deg ah dalka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib markii dooni ay saarnaayeen Muhaajiriin ay ku degtay badda, Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay badankooda ay kasoo jeeddaan Qaaradda Afrika.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment