1989 Views

Shir Muhiim ah oo ka soconayo Kismaayo

Shir Muhiim ah oo ka soconayo Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kisaamyo| QOL | February  5, 2018 — Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubaland ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo la sameeyay 1966-dii.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas”uuliyiin ka socotay xildhibaada iyo wasiirada Jubbaland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka , Awqaafta iyo arimaha Diinta iyo La taliyaha dhanka arimaha sharciga Madaxtooyada Jubbaland iyo qeybaha kala gadisan ee Bulshada reer Jubalalnd,

Dhamaan dadkii kasoo  qeybgalay furitaabka shirkaan ayaa si isku mid ah u sheegay in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe balse hada la qaatay nidaamka Federaalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment