2643 Views

Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Qaybdiid oo gaaray Hobyo.

Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Qaybdiid oo gaaray Hobyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 —Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehliyaan wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukumadda Khayrre, waxaana ka mid ah Wasiiradaasi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekeddaha dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha ka socda Dowladda Shiinaha ayaa u kuur galaya ama qiimeyn ku sameynaya dhimsaha Dekadda magaalada Hobyo oo dhawaan dhagax dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu qaato Qandaraaska dhismaha Dekadda magaalada Hobyo, dekadaas oo muhiim u ah maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment