3162 Views

Wasiir Bayle oo ka hadlay canshuur lagu soo rogay ganacsatada

Wasiir Bayle oo ka hadlay canshuur lagu soo rogay ganacsatada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha canshuur qaadista sanadkii tegay iyo kan hadda iyo qaabka cusub ee wasaaraddu soo kordhisay.

Wasiir Bayle ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay wasaarada maaliyada ay dadaal dheer u gashay in hay’ado aan ka tirsanayn wasaaradda ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto.

“Cid kasta oo qaadeysa tallaabo maaliyadeed ayaa wasaarada u suuragashay in ay xafiisyadooda kala socdaan,sidoo kalena dhammaan cidkasta oo ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ay mushaarkeeda bil walba ay helaan.”ayuu yiri wasiirka Maaliyada.

Sidoo kale wasiirka Maaliyada ayaa ka hadlay canshuuraha lagu soo rogey goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho iyo dekeda Muqdisho oo uu ka hadlay.

“Dekedda Muqdisho waa mid weyn oo daqli badan ka soo gala dalka,mashaariic badana waxaa laga fuliyay magaalada Muqdisho marka lamid ma ahan dekedaha kale ee ku yaal gobolada dalka.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in canshuurta cusub ee dhawaan wasaaraddu ku soo rogtay Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha, Xawaaladaha , Biyaha iyo Hoteellada.

Waxa uu xusay wasiirka inay la shireen Milkiilayaasha maqaayadaha,hoteelada iyo ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada ayna isla garteen in si wadajir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si Soomaaliya ay isugu filnaato.

Ugu dambeyntii wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in lacag Shillin Soomaali ah ay sameeyaan balse ay ku horgudban yihiin shuruudo faro badan.

cashuurta-wasaarada-maaliyada-2 cashuurta-wasaarada-maaliyada-1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment