4317 Views

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow “Waa been abuur cinwaanada Facebook-ga magaceyga kusoo baxay”

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow “Waa been abuur cinwaanada Facebook-ga magaceyga kusoo baxay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 – Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mida Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay cinwaano lagu sameystay magaciisa, kaasoo uu sheegay in dadka lagu jahwareerinayo.

“Dhamaan Umadda Soomaaliyeed waxaa rabaa inaan ku wargeliyo in maalmahan ay socdaan dacaayado iyo been abuur ku aadan Akoon ama cinwaan Facebook lagu sameystay magaceyga, oo dadka lagu jahwareerinayo, waxaan caddeeynayaa in aanan laheyn cinwanaadaas been abuurka ah”ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in cinwaanada magaciisa looga been abuurtay lagu faafinayo dacaayado aan dadnimada iyo caqliga saliimka ka turjumeyn, isla markaana la doonayo in sumcadiisa wax loogu dhimo, isagoo ugu baaqay dadka ku sameystay magacyadaas inay ka waantoobaan.

Inta badan baraha bulshada ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay cinwaanada been abuurka ah ee lagu sameysto magacyada mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta, waxaana horay u beeniyay madax iyo mas’uuliyiin sheegay in laga been abuurtay, isla markaana warar qaldan lagu faafiyay cinwaano ay aheyn.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment