2571 Views

Gudoomiye Yariisoow Oo digniin u diray dadka dhisaya wadooyinka Magaalada Muqdisho

Gudoomiye Yariisoow Oo digniin u diray dadka dhisaya wadooyinka Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6, 2018 —-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow  Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho oo muuqaal laga soo duubay la soo dhigay bartiisa facebook-ga ayaa waxaa uu ugu hadlayay dhulka danta guud ee laga dhisayo degmooyinka wadajir iyo dharkeynley ee gobalka banaadir.

Sidoo kale gudoomiye yariisow ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka doonaya in ay dhacaan hantidda danta guud ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobalka banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay ku raad jooggaan dadka dhisanaya Wadooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tilaabo adag.

“maamulka gobolka Banaadir ma aqbalyo in dhul dan guud ay dan gaar ah u isticmaalaan Shaqsiyaad,taasi ayuu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono.

Tan iyo Markii La magacaabay gudoomiyaha gobalka banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan yariisow ayaa waxaa dhowr jeer uu soo saaray wareegto lagu mamnuucayo dhulalka danta guud ee laga dhisayo degmooyinka  xamarweyne,xamar jabjab,Wadajir iyo Dharkeynlay ee gobalka banaadir

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment