2256 Views

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay dadkii loo haystay Qaraxii isgooska Zoobe

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay dadkii loo haystay Qaraxii isgooska Zoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6, 2018 —-Waxaa Saakay oo talaado ah Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay xukun maxkamadeed ku riday eedeysanayaasha Qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe,kaasi oo dhacay sanadkii tagay 2017-kii.

Maalmihii Dambe ayaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxaa ay waday dhageysiga Kiiska la xiriira  eedeynta raggan ay aroortii saakay soo gaba gabeysay dacwada loo haystay,iyadoona maxkamada ku dhawaaqday sida uu u dhacay xukunka maxkamadeedta.

Eedeysanayaasha ay saakay xukun ku riday maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ay kala yihiin.

1.Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

2.Cabdullaahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqane ah waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

3.Cabdi Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamada ciidamada ayaa saakay waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah,kuwaasi oo maxkamadu sheegtay in dambigii lagu eedeeyay  lagu waayay.

1.Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble.

2.Cabdul Cabdi Warsame Cali.

14 October ee sanadkii tagay ayay Aheyd markii qarax ay dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa uu gelgeliyay Isgooska Soobe ee Magaalada muqdisho

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment