2016 Views

R/W Kheyre oo maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Amniga

R/W Kheyre oo maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 7, 2018 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020 iyo dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka.

Waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, wasiiro iyo Lataliyeyaal Arimaha amniga iyo doorashooyinka.

Shirkan Golaha Amniga Qaranka oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shalay furay shirka amniga qaranka oo looga hadlayo Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

.rw-khayre-shirgudoomiyay-3 rw-khayre-shirgudoomiyay-2 rw-khayre-shirgudoomiyay-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment