2832 Views

Guddoomiye Yarisow oo ku bogaadiyey Booliska iyo Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda Olalaha Bilic soo celinta Gobolka

Guddoomiye Yarisow oo ku bogaadiyey Booliska iyo Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda Olalaha Bilic soo celinta Gobolka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 9 February 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhallinyarada Ubaxa Caasimadda olalaha nadaafadda iyo bilic soo celinta ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlaha is-xilqaanka ah ee ay sameeyeen Booliska iyo dhallinayarada Ubaxa Caasimadda ay ka turjumeyso wada shaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa Maamulka Gobolka, Booliiska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inagoo wada jir ah, in aan ka shaqeyno soo celinta bilicda degmooyinka Hodan iyo Waaberi, gaar ahaan waddooyinka halboolaha ah ee dhex mara labadaan degmo. Waxaan u aragnaa mid ammaan iyo bogaadin mudan, maadaama ay ku timid is-xilqaan iyo wax wada-qabsi.”Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay leedahay bilicda Caasimadda maadama ay tahay muraayaddii dalka sidaas darteedna ay waajib ku tahay qof kasta oo Soomaali ah in uu kaalintiisa ka qaato, Maamulka Gobolkana ay ka go’antahay dar dar gelinta shaqooyinka Dawladda Hoose ee Xamar.

Olalaha Naadafadda ee laga fuliyey degmooyinka Hodan iyo Waaberi waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Benaadir oo ay horkacayeen Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hodon iyo Waaberi, Agaasinka Waaxda Nadaafadda iyo Bilicda iyo masuuliyiin kale oo heer Degmo iyo heer Gobol ah.

gud-yarisow-bilicda-muqdisho-5 gud-yarisow-bilicda-muqdisho-3 gud-yarisow-bilicda-muqdisho-1 gud-yarisow-bilicda-muqdisho-4 gud-yarisow-bilicda-muqdisho-2 gud-yarisow-bilicda-muqdisho-6

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment