2325 Views

Dadaalo lagu badbaadinaayo doon raran oo ka socota Boosaaso

Dadaalo lagu badbaadinaayo doon raran oo ka socota Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10 February 2018 – Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa ka socda dadaalo kala duwan oo lagu badbaadinaayo doon u raran ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo caarisay xeebta Magaalada Boosaaso.

Doontaan oo cilad ku timid, ayaa loo diiday inay  ku xirato Dakadda Magaalada Boosaaso, kadibna waxa ay ku caarisay meel ka baxsan dakadda, iyadoo biyaha badda dul sabeynaysa.

Dadaalada socda ee hantida doontaasi saaran lagu badbaadinaayo ayaa waxa ay tahay in la sameeyay Dakad macmal ah oo gaadiidka ay ugu dhawaan karaan, halka doonta ay ku sugan tahay

Qaar ka mid ah dadka ku hawlan badbaadinta hantida saaran doonta ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan badbaadinta qalabka saaran doontaasi.

Waxa ay sheegeen maanta illaa berri inay rajeynayaan in doonta loo dhawaado oo agabka saaran laga soo dajiyo si loo badbaadiyo hantidaasi oo ay leeyihiin ganacsato Somaliyed.

Hantida saaran Doonta ayaa qiimaheeda, waxaa lagu sheegay ku dhawaad 10-Milyan oo Doolarka Mareykanka ah, waana qarash aad u badan marka la eego, haddii doontaasi ay dagto khasaaraha ka dhalan kara.

Doon-Caarisay-4

Doon-Caarisay-4

Doon-Caarisay-1

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment