1926 Views

Shir looga hadlayo isu socodka Waddamada IGAD oo Ka dhacay Muqdisho

Shir looga hadlayo isu socodka Waddamada IGAD  oo Ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11,  February 2018 – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Waddamada xubnaha ka ah urur Goboleedka IGAD ee Waddamada Bariga Afrika.

Shirkaan oo ka socda xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ahmiyadiisa waxa ay tahay shirka la tashiga wadamada IGAD ee la xiriira sidii si furan la isaga gudbi lahaa xuduudaha dalalka IGAD fiisa la’aan.

27750657_1768070756829983_4699524997704153046_n-1

Dhinacyadan ayaa isla gorfeynaya hanaanka ugu haboon ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii la isla garto wadamada IGAD ku bahoobay muwaadiniintooda Viisa la’aan inay isaga gudbaan.

27973799_1768070760163316_6453799526388529271_n

Masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo ku sugan madasha shirka ayaa dhankooda ka dhiibanaya aragtiyada ku haboon Shirka.

Shirkaan ayaa la filayaa marka la soo gaba gabeeyo masuuliyiinta dowladda Saxaafadda inay la hadlaan faah faahina ka bixiyaan Shirka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment