1794 Views

Shirar Ka Dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho ka bilaawday.

Shirar Ka Dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho ka bilaawday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11,  February 2018 –Siyaasiin iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka bilaawday shirar looga soo hor jeedo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” waxaana sidoo kale shirar nuucaan oo kale ah lagu qabtay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Shaqsiyaadka shirkaan abaabulaya waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta sidoo kalane ka mid ahaa murashaxiintii Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkii 2017 C/llaahi Ciil-mooge Xirsi iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood iyo sidoo kale hoggaanka maamulka Jubbaland.

Khilaafka ayaa ka dhashay Xanaasad ka qaadidii iyo Xarigii loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi ka dibna loo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment