2061 Views

Axmed Cali Daahir oo digniin u diray talisyada saldhigyada Booliska

Axmed Cali Daahir oo digniin u diray talisyada saldhigyada Booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12,  February 2018 –Wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka warbixino qaldan.

“Saldhigyada qaar Taliyeyaashooda warbixino qaldan ayeey Hay’adda Garsoorka u soo gudbiyaan iyaga oo soo xira dad shacab ah oo kiis qaldan lagu soo oogo, waxaas oo dhan waa la isagala xisaabtamayaa.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Taliyeyaasha Ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashooyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada, qofkii shaqo wanaagsan sameeya waala abaalmarinayaa, balse cidii xad gudub sameysa si adag ayaa loola xisaabtami doonaa.” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Saraakiisha hoggaanka Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir qaarkood ayaa ku takrifala awoodda ciidanka, iyaga oo xadgudub  u gaysta dadka rayidka ah.

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment