2067 Views

Wasaaradda iyo Guddiyada Dastuurka oo Garoowe ka bilawday wadatashi Dadweyne.

Wasaaradda iyo Guddiyada Dastuurka oo Garoowe ka bilawday wadatashi Dadweyne.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12,  February 2018 – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka Madaxa Banaan iyo Labada Gole ayaa Wadatashi Dadweyne ka bilaabay Magaalada Garoowe oo ay shalay gaareen.

Dhinacyada ay la kulmayaan guddiyada ayey kala hadlayaan sida lagu qabyo tiri karo dastuurka KMG ah ee dalka, Nuuca Doorasho ee la qaadan karo iyo sida lagu gaari karo Doorashada Qof iyo Codkii ah ee la filayo sanadka 2021-ka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Guddiga Dastuurka ay joogteen doonaan kulamada la xiriira Howlaha Dastuurka oo sal u ah Doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo maanta la filayo in uu gaaro Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka noqonaya wada tashiyada Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Puntland looga qeyb galinayo qabyo tirka Dastuurka.

Guddiga ayaa uruurinaya aragtiyada dadweynaha ay la kulmayaan, Xogta kaga soo baxda kulamadooda ayey kulmin doonaan sida Mustaqbal ay u sheegeen xubno katirsan Guddiga.

Guddiga ayaa Gobolada dalka ka wada howlo ay ku sheegeen in ay wadatashiyo dadweyne ku sameynayaan, Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in 2018-ka lagu soo gaba-gabeeyo qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya oo Muddo soo jiitamaye.

wasiir-xoosh-garoow-2 wasiir-xoosh-garoow-3 wasiir-xoosh-garoow-1

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment