1770 Views

Wasiir Beyle: ” canshuurta halkeeda ayey ahaaneysa,Ganacsatada waan kulmeynaa”

Wasiir Beyle: ” canshuurta halkeeda ayey ahaaneysa,Ganacsatada waan kulmeynaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12, February 2018 —Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin muddo Todobaad ah kaddib markii Ganacsatada Gobolka Banaadir ee Dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Wasiir Beyle oo Saxaafada Shir Jaraa’id uqabtay ayaa Sheegay in Canshuurta sideeda ahaaneyso, Ayna la Fariisanayaan Ganacsatada.

Wasiir C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku doodaya in dalkasta ay dadkiisa Canshurta bixiyaan sidaas darteedna Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahanyahay iin ay canshuurta bixiyaan

Ganacsatada Muqdisho ayaa ka biya diiddan arrintan waxaana ay sheegayaan in canshuurta marka hore dalka oo dhan laga wada qaado,haddii kalena aan loo gaaryeelin Ganacsatada Muqdisho kaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment