2055 Views

Eng. Yarisow “ Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose ee u shaqeyn lahaa Bulshada

Eng. Yarisow “ Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose ee u shaqeyn lahaa Bulshada
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL |    February 13    2018 –Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in door kooda ay ka qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

“Maamulka iyo Bulshadu haddii ay iskaashadaan waa ku guuleysan karaan Horumarinta degmada Yaaqshiid, waa in aad u istaagtaan ka qeyb galka dhismaha xarunta degmada, haddii aad dhisataan degmadiina waxaad tusaale u noqon doontaan degmooyinka kale ee gobolka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay wax walba oo tabartooda ah si loo xaqiijiyo adeegyada ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne kale oo dhammaantood boggaadiyey isku tashiga iyo diiranaanta shacabka ku nool degmada Yaaqshiid.

unnamed-1unnamed-3-768x512unnamed-4-768x512

unnamed-5-768x512

unnamed-5-768x512

unnamed-6-768x431

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment