3111 Views

Lacagta ay shabaab ka helaan Gurmadka Q.M. ay Soomaaliya siiso oo la soo bandhigay

Lacagta ay shabaab ka helaan Gurmadka Q.M. ay Soomaaliya siiso oo la soo bandhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL |    February 13    2018 –shabaab ayaa lasheegay in Malaayiin Dolar ay kasameeyaan Sanad kasta Gar-gaarka shisheeye Soomaaliya la siiyo gaar ahaan gargaarka ay Bixiyaan Wadamadda Reer galbeedka oo ee doonaya in ay Al-shabaab Ciribtiraan.

TV-ga CNN ee Mareeykanka laga leeyahay ayaa baahiyay in Baaritaan uu sameeyay uu shaaca ka qaaday in lacago QM ay si toos ah u siiso  Dad ka Gudaha ku barakacay ay ku Dambeeyaan Gacanta Al-shabaab.

TV-ga oo soo xubin horay uga tirsanaa Al-shabaab hadana ka tirsan Heey’adda Sirdoonka Soomaaliya soo xiganaya ayaa sheegay in Al-shabaab ay Kumanaan Dollar Maalintii kasameeyaan Jid-gooyooyin ay ku canshuuraan Raashinka loowado Dadka gudaha ku barakacay.

Meelaha uu TV-ga CNN baaritaankiisa ka sameeyay waxaa kamid ah Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay wuxuuna sheegay in Xarumo ku yaala Magaaladaas ay QM taageero kusiiyaan Dad guryahoodii kasoo cararay, lacag u dhexeysa 80 ilaa 90 Dollar ayey QM ku caawisaa dadka Barakacay Bil walba si ay ugu iibsadaan Badeecada Degaankooda.

Saraakiil ka tirsan QM ayaa sheegay in Lacagta sida tooska ah loo siiyo Dadka barakacay ay Suuqyadda Maxaliga ah ka badbaadineeyso in ay burburaan, islamarkaana gargaarka QM aan markasta la geeyn Karin meelaha Qaar maadama Gawaarida gargaarku ay u Nugulyihiin Weerarro iyo Xatooyo.

Ganacsatada ayaa raashin iyo badeecooyin kale geeya meelaha ay Dadku ku barakaceen, laakiin Ganacsatadu waxay lacago siiyaan Al-shabaab oo maamula Wadooyinka ay Raashin marsiiyaan.

QM waxay ku qiyaastay lacagta Al-shabaab ay kasameeyaan mid ka mid ah jidgooyooyinka ku yaalla wadada loo maro Baydhabo 5000 oo dollar maalintii.

 

 

Dadka Barakacay waxay Raashinka ku iibsadaan lacag cadaan oo ay siisay QM iyagoo ka Iibsanaya Ganacsatada Maxaliga ah ee Al-shabaab ay Carshuurta ka qaadaan, taasi oo keentay in ganacsaduna ay Qiimo sare ku Badeecooyinka uga iibiyaan Dadka bara kaca ah.

Sidoo kale TV-ga CNN ayaa Daabacay in qaarka mid ah Shirkadaha iyo heey’adaha Gargaarku ay Al-shabaab siiyaan Lacag u dhexeeysa $25,000 ilaa $70,000 oo Dollar Bil kasta Amaanka Shaqaalahooda oowgiis.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment