3264 Views

Guddoomiye Yarisow oo sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka

Guddoomiye Yarisow oo sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 15 February, 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay tartanka Cayaaraha dugsiyada degmada Hodan, isagoo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo horumarinta caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa ugu badan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aragtidooda iyo hamigooda loo isticmaali doono sidii mar kale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd, magaalada Muqdisho na u noqon lahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda iyo amniga badan Caalamka.

Eng. Yarisow waxuu sheegay ka sakow muhiimadda uu Isboortigu u leeyahay isdhexgalka bulshada, in tani muuqaal cad ay ka bixinayso sida magaaladu uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana ay maamulkiisa cusub ku dhiirigelinayso inuu dhabaha u furo bulsho isku duuban oo ka fekereysa mustaqbalka horumarka dalkooda.

“Waxaan naga go’an horumarinta degmada iyo xoojinta Isboortiga oo laf-dhabar u ah bulsho isku duuban. Degmada Hodan waa xaafaddii aan ku koray waxna ku soo bartay aad ayay ii farxad gelinaysaa inaan mar kale arko shacabkii aan jeclaa oo maanta hortayda taagan wajiyadoodana ay ka muuqato farxad iyo rajo weyn”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, taasina lagu gaari karo marka la helo shacab isku duuban oo leh hal aragti.

Xafladda daah furka tartanka cayaaraha dugsiyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

gud-yariisow-talada-shacabka-16 gud-yariisow-talada-shacabka-6 gud-yariisow-talada-shacabka-10 gud-yariisow-talada-shacabka-18 gud-yariisow-talada-shacabka-12gud-yariisow-talada-shacabka-2 gud-yariisow-talada-shacabka-9 gud-yariisow-talada-shacabka-3 gud-yariisow-talada-shacabka-5 gud-yariisow-talada-shacabka-7gud-yariisow-talada-shacabka-13 gud-yariisow-talada-shacabka-14 gud-yariisow-talada-shacabka-17 gud-yariisow-talada-shacabka-8 gud-yariisow-talada-shacabka-1 gud-yariisow-talada-shacabka-4 gud-yariisow-talada-shacabka-11 gud-yariisow-talada-shacabka-15

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment