2217 Views

Koofur Afrika oo doortay Madaxweyne cusub

Koofur Afrika oo doortay Madaxweyne cusub
____________________________________________________________________________

Johannesburg |  February 15, 2018 – Baarlamaanka Koofur Afrika ayaa fadhi uu maanta yeeshay waxaa uu doortay Madaxweyne cusub, kaddib is casilaadii Madaxweyne Jacob Zuma oo xalay ku dhawaaqay inuu is casilay, kaddib cadaadis uga yimid Xisbigiisa.

Cyril Ramaphosa oo 65 jir ah ayaa loo doortay Madaxweynaha Koofur Afrika, iyadoo uu ahaa ninka kaliya ee u sharaxnaa inuu bedelo Jacob Zuma.

Ramaphosa ayaa sheegay in diiradda u saaran tahay sidii uu ula dagaalami lahaa musuq maasuqa.

Xisbiga ANC oo haya talada dalka ayaa sabab u ahaa inuu is casilo Madaxweyne Zuma, kaddib markii ay ugu hanjabeen inay codka kalsoonida u qaadayaan hadii uu is casili waayay.

Koofur Afrika ayaa todovaadyadi u dambeeyay ku jirtay qalalaase siyaasadeed, waxaa horay Zuma uga badbaaday mooshin xil ka qaadis ah, horay ayaa loogu soo jeediyay eedo musuq maasuq la xiriiray.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment