1941 Views

Dhagayso:-Gudiga Doorashooyinka Oo Maanta Shir Ka Furaya M/Muqdisho

Dhagayso:-Gudiga Doorashooyinka Oo Maanta Shir Ka Furaya M/Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 February, 2018 —Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmayo shir looga hadlayo Arimaha doorashooyinka Sanada 2020 kaas oo ay soo qbaan qaabiyeen Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa lagu qabanayaa Xarunta Maamulka gobalka Banaadir ee Visha Govero waxaana,iyada oo looga hadli doono sida doorasho qof iyo cod lagu gaari karo Sanada 2020-ka.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa waxa uu fafaahin ka bixiyay u jeedka shirka ayaa sheegay in la aruurinayo aragtida Shacabka eek u saabsan doorashooyinka Sanada 2020-ka

Sayid Cali Sheekh Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maxabanaan ee Doorashada ayaa waxa uu intaa sku sii daray hadalkiisa in shirka la soo gaba gabeen doono bisha soo socota,iyada oo ay jiri doonaan kulamo kale oo lala qaadan doono Siyaasiyiinta iyo dadka waxgalka u ah Bulsahda.

Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa todobadyadii las oo dhaafay waxa ay wadeen aragti aruurin,iyada oo laga soo sameeyay deegaanada maamul goboleedyada sida Puntland, Hir-Shabeelle, koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Halkan Ka Dhagayso

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment