2748 Views

Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaro Ka Soo Badbaaday Magafayaasha Libya Oo Muqdisho Goordhow Soo Gaaray

Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaro Ka Soo Badbaaday Magafayaasha Libya Oo Muqdisho Goordhow Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 February, 2018 —Qaar kamid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha Wadanka Liibiya ayaa  Maanta laga soo dajiyey  Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Muwadiniintan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof , waxaana dadkaan kamid ah caruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.

z1 z2 z3 z4 z5 z7

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment