1830 Views

Dhagayso:-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Dadkii dhulkooda laga qaaday midkale ayaan ugu badelnay”

Dhagayso:-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Dadkii dhulkooda laga qaaday midkale ayaan ugu badelnay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 —Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaciyay in dhul ay leeyihiin dad Shacab ah oo ku yaalla degaanka Jazeera lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkaasi ay xarun tababar ka dhisi doonto dowladda Turkiga sidaas darteed ay go’aansaday in dadka Shacabka ah dhulka kale la siiyo.

Waxaa uu sheegay in dadka heysta Sharciyadda saxda ah , maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Difaaca ay siin doonaan dhul kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Dadkii iska lahaa dhulalka lala wareegay ayuu ka codsaday in ay ugu yimaadaan Xafiiskiisa, si dhul kale loo siiyo.

Cabashooyin fara badan ayaa ka taagnaa bilihii lasoo dhaafay dhulkaasi ay doonayso dowladda Turkiga in ay  u dhisto ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,waxaana xusid mudan in dhulkaasi qaar ka mid ah ay horay u lahaan jireen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment