3609 Views

Kulan Muhiim ah Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Kulan Muhiim  ah Oo Ka Dhacay  Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 Kulankaan wadatashiga ah oo ku saabsanaa Habraaca Doorashada 2020-ka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Ururrada Haweenka gobolka Banaadir

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu falan qeeyey Doorka iyo sida Haweenka Gobolka Banaadir ay uga Qeyb qaadan karaan Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) ayaa Sheegtay in Haweenka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin in ay Ka qeyb qaataan Doorashoyinka Ka Dhacaya Soomaliya 2020-ka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Sheekh Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa tilmaamtay in haweenka looga baahan yahay in aragti iyo talo ay ku yeeshaan Doorashada la filayo in sanadka 2020-ka ay ka dhacdo Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment