2649 Views

Sawiro:-Gudoomiye Yariisoow Oo Turkiga Ku Wareejiyey Dhul Lagu Tababar doono Ciidanka X.D.S.

Sawiro:-Gudoomiye Yariisoow Oo Turkiga Ku Wareejiyey Dhul Lagu Tababar doono Ciidanka X.D.S.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 —Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee Deegaanka Jazeera oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah.

Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg ah looga dhisi doono xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo Ciidanka X.D.S.

“Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro Ciidanka, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in dhulkan qeyb ka mid ah ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isku af-garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka wada hadlanay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”. Ayuu yiri Eng.Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment