1968 Views

TOP NEWS :-Taliyayaasha Nabad-Sugida Iyo Booliska Oo La Magacaabay

TOP NEWS :-Taliyayaasha Nabad-Sugida Iyo Booliska Oo La Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19  February, 2018–Shir Deg deg ah oo ay Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyeen Magacaabista Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-Sugida iyo Asluubta Soomaaliya.

Xilalkaan labada taliye oo banaanaa mudo Saddex Bilood ah ayaa ugu dambeyn Maanta la Magacaabay halka Taliyaha Asluubta dib loogu soo celiyay taliyihii hore oo xilkas horay u soo qabtay

Taliyaha Nabad-Sugida ayaa waxaa loo Magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka  halka Taliyaha Booliska loo Magacaabay Bashiir Axmed Maxamed,Sidoo kale taliyaha Asluubta ayaa waxaa loo Magacaabay Sareeye guuto Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay u ahaa lataliyaha dhanka ciidamada ee Madaxweynaha.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment